Codso Adeegyo Tarjumaad oo Bilaash ah, Tarjumaan, ama Qaabilaad kugu Habboon
Waaxda Vermont ee Cashuuraha waxa ka go'an inay si la siman dadka kale u siiso adeegyadeeda dadka naafooyinka qaba. Kuwan waxa kaF mid ah dadka Maqalka La' ama maqalka culus ama laba dareeme naafo ka ah, iyo sidoo kale dadka ku hadalka, akhrinta, qorista, ama fahamka Ingiriisidu ku adag yahay.
Codso Tarjumaan ama Tarjumaad
Haddii Ingiriisidu aysan ahayn luuqaddaada koowaad ama awooddaada akhrinta, ku hadalka, qorista, ama fahamka ee Ingiriisidu kooban tahay, waxaad xaq u leedahay tarjumaan. Waaxda Vermont ee Cashuuraha waxay ku siin doontaa tarjumaan si ay kaaga caawiyaan inaad mushaaxdo cashuuraha iyo barnaamijyada Vermont.
Codsiga aad ku codsanayso Qaabilaad Macquul ah
Cashuur-bixiyayaashu waxay ku codsan karaan qaabilaado macquul ah xilli hore onlayn, taleefan, qoraal, ama fool ka fool xilliga ballantooda. Qaybta soo dhawaynta dhismaheena iyo websaytkeena, waxaanu soo dhignaa macluumaad ku saabsan adeegyada tarjumaanka, Kaarka Aqoonsiga Luuqadda, iyo calaamadda 'Kuma Maqalayo' oo ku taala meel la arki karo.
Waxaanu dadaal ugu jirnaa inaanu hannaanka codsiga qaabilaadda uga dhigno sida ugu habboon ee suurtogal ah dhammaan dadka.
Ikhtiyaarada Codsiga Taageero
- Fool-ka-fool - Booqo qaybta soo dhawaynta ee dhismaheena, shaqaale ayaana codsiga kuu gudbin doona.
- Iimeyl - Farriin u dir tax.support@vermont.gov
- Taleefan - Wac 802-828-3763
Foomka Awoodda Matalaadda
Waa maxay ujeedada foomkani? Waxa dhici karta inaad wakiilato cid kale, sida xirfadle cashuureed, qareen, xubin qoys, ama saaxiib, inay kuu noqoto "wakiil" adigoo isticmaalaya foomkan. Wakiilka waxa awood loo siiyaa inuu kugu matalo wada-hadalka aad la yeelanayso Waaxda Vermont ee Cashuuraha uuna xereeyo fayl cashuureed isagoo adiga ku matalaya.
Oggolaanshaha Fasixidda Foomka Macluumaadka Cashuurta
Waa maxay ujeedada foomkani? Foomkani wuxuu oggolaanayaa in loo fasaxi karo macluumaadkaaga cashuurta cid kale. Ciddani waxay noqon kartaa xirfadle cashuureed, qareen, tarjumaan, xubin qoys, ama saaxiib. Wuxuu u saamaxayaa Waaxda Cashuurta inay kala hadasho ciddan cashuurahaaga.